Wasiirka WAD&IC ah ee JSL ayaa magaaladda Paris kula kulmay Jaaliyadda reer Somaliland ee Wadanka Faransiiskaa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo safar shaqo ku joogga wadanka Faransiiska, gaar ahaan magaaladda Caasimadda ah ee Paris ayaa  kulan la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.

Kulankaas oo ay soo qaban-qaabisay safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku leedahay dalka faransiiska (Somaliland in France) oo uu hoggaaminayo Amb Cabdiraxmaan Yaasiin oo ay weheliyaan madaxa jaalliyadda iyo guud ahaan hawl-wadeenadda safaaradu ayaa u qabsoomay si heerkeedu sarreeyo.