Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay uga digaysaa shacabka, Hay’adaha warbaahinta iyo saaxiibbada caalamiga ah isku-dayo abaabulan oo lagu iska dhigayo si been abuur ah degellada (akoonnada) rasmiga ah ee baraha bulshada ee dawladda, isla markaana lagu faafinayo warar iyo bayaanno been-abuur ah.
Xukuumaddu waxay caddeynaysaa in dhammaan isgaadhsiinta rasmiga ahi lagu soo saaro mareegaha iyo baraha ay dawladdu si rasmi ah soo baxa ilo sharciyeysan oo la xaqiijiyay.
Shacabka iyo Warbaahinta waxa si adag loogu boorinayaa inay ku tiirsanaadaan oo keliya ilaha rasmiga ah ee la hubiyay, si loo helo xog sugan, isla markaana ay u gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh wixii degellada been-abuurka ay baahiyaan ee ah wararkamarin-habaabinta ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa si buuxda uga go’an hufnaan, daacadnimo iyo baahinta warar rasmi ah oo sax ah.