Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Shahaado-Sharaf ku Maamuusay Safiirka JSL u Fadhiya Wadanka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shahaado-sharaf ku maamuusay Safiir Cabdifataax Siciid Axmed oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya Wadanka Jamhuuriyadda Djabouti. 

Safiirka ayaa ku mutaystay shahaado-sharaftan wada shaqaynta fiican ee Xafiiskiisu la leeyahay Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaana kaalintiisa dakhli-soo-saar marka loo eego xafiisyada kale ee dhigiisa ah ee ay Somaliland ku leedahay Wadamada Jaarka ama dunidaba.