Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Hambalyeeyey isu soo bixii Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalka UK ku taageereen heshiiskii  Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia.

HAMBALYO MADAXWEYNE:10/03/2024 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Hambalyeeyey isu soo bixii Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalka UK ku taageereen heshiiskii  Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muse Bihi Abdi, ayaa dhambaal hambalyo iyo is garab taag ah u diray jaaliyadda reer Somaliland ee waddanka Ingiriiska oo shalay isu soo bax ballaadhan ku taageeray Qarannimada Dalkooda iyo heshiiskii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku helayso ictiraaf caalami ah.

Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay qabanqaabiyayaasha iyo dadweynaha reer Somaliland ee isaga kala yimi deegaannada kala duwan ee dalka Ingiriiska ee waqtigooda u huray sidii ay cududoodda ula garab geli lahaayeen heshiiska is Af-garad ee labada Dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia. Isagoo soo dhaweeyey taageerada laxaadka leh ee ay jaaliyadda Somaliland ee dalka UK muujiyeen isagoo madaxweynuhu hoosta ka xarriiqay in isku-duubnida iyo midnimada shacbiga iyo dawladdu ay wax weyn ka tarayso taabbo-gelinta geeddiga Ictiraaf raadinta uu qarankani ku soo jiray muddaba.

Isu soo baxa ay jaaliyadda Somaliland ee dalka UK ku garab istaageen heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia, ayey kala qaybgaleen saaxiibbo caalami ah oo qaddiyadda Somaliland si badheedh ah ugu ololeeya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo uu hoggaaminayey xildhibaan Gavin Williamson.
ALLAA MAHAD LEH