Wasiirka WAD&IC JSL, Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Maktabada Dhaqanka ee Masaarida la xidhay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL, Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa shir-jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ku shaaciyey go'aan ay JSL kasoo saartay Maktabada Dhaqanka ee Masaarida taas oo ku taala magaaladda Hargeysa, isla markaasna shaqaalaha xaruntaasi ay dalka kaga baxaan muddo 72 saacadood gudahood ah.